
Cula Dayuub
1
Dear Me (Naftaydaay Gacalo)
2
“ Tallaabada ugu horraysa ee xaqiijinta riyooyinkagu waa in aad hurdada ka toostid.
” 3
Naftaydaay gacalo:
Maanta waa maalin cusub! Waa maalin aanad hore u arkin, dibna u arki doonin; sidaas darteed jooji in aad naftaada ku maaweeliso beenaha aad markasta u sheegto! Imisa maalmood oo hore ayaa dhayal kugu dhaafay? Ka faai'dayso maalintan cusub ee ashqaraarka leh maalmaha kalena ka duwan. Ogsoonow - maalinta quruxda badan gudaheeda - in aad haysato fursado tiro badan oo aad noloshaada ugu jihayn kartid dhan kasta oo aad rabto.
Waan ku jeclahay marwalba naftaydaay.
4
“ tagtayahay qaaliga ahi, waad ku mahadsan tahay casharrada aad i soo siisay oo dhan, mustaqbalyahow cajiibka ahi, si weyn ayaan adna diyaar kuugu ahay.
” 5
Naftaydaay gacalo: Waxa aynu isugu xidhiidhsannahay si cajiib ah oo aan cidina fahmaynin, islamarkaana fahmi doonin. hal dhinac ayaynu nolosha uga soo wada jeednaa, ama in aynu sidaas ahaanno ayay ahayd, laakiin mar dhexe ayaan kaa tegay: Keligaa ayaan kaa tegay adiga oo isku dhex daadsan; waxa aan kugu kellifay in aad dad shisheeye ah ka sugto oo ka raadsato jacayl dhiirrigelin iyo awood. Iyada oo ay ahayd in aan anigu ku garab istaago, oo aan ku soo dhowaysto ku amaano islamarkaana aan kugu qaddariyo shakhsiyaddaada xariirta ah iyo quruxda iyo milgaha aad nolosha ku soo biirinayso. Waan ka xumahay in aad igu hungowday, waan ka xumahay in aan ku xanuujiyay oo ku dayacay, waan ka xumahay in aanan ku xasuusin hadh iyo habeen sida aad u tahay qof qaali ah, ee aad u tahay qof waxkasta oo wanaagsan u qalma, una tahay qof geesi ah naxariis badan misana awood leh oo adkaysi badan. Iska kay cafi naftaydaay! Sida aynu nahay ayaynu qiimo ku leennahay; mustaqbalka soo socda waynu wada waajihi doonnaa; hadda waan ku helay, waan is helay, marnaba gacantaada ma sii deyn doono. Markan waxa aan ku siin doonaa mudnaanta koowaad iyo kaalinta ugu sarraysa kaalmaha noloshayda. Waan ku ixtiraami doonaa, waan ku karaamayn doonaa, oo ku qiimayn doonaa welibana ku jeclaan doonaa. Daacad baan kuu ahay markasta naftaydaay.
6
“ Naftaydaay gacalo, Noqo qof debecsan, maxaa yeelay qof kasta waxa uu la tacaalayaa dagaalkiisa gaarka ah kaas oo aanad adigu waxba kala socon.
” 7
Naftaydaay gacalo: Waxkasta si shakhsi ah ha u qaadan, ha na moodin in adiga laguu dan leeyahay, cidna ha ka yeelin in ay ku liiddo oo hoos kuu dhigto. Inta badan waxyaabaha dhacayaa adiga kuguma saabsana, ee waa kuwo ku tacaluqa qofka kale iyo cilladihiisa gudaha. Marka ay dadku dhaawac kuu geystaan, ka eeg arrinta dhankooda booskoodana isdhig, iskana cafi; wax ka baro hab-dhaqannadooda khaldan; arrintana wax dhacay oo aan dib u noqosho lahayn ka soo qaad. Ogowna, wax waliba in aanay ahayn sida ay u muuqdaan.
Sidaada ayaad ku fiican tahay, cilladahaaga iyo iimahaagu xitaa waa kuwo qurux badan. Aqbal waxyaabaha aanad kaga fiicnayn dadka kale, oo ku dhegganow waxyaabaha aad kaga soocan tahay iyaga. Marwalba daacad baan kuu ahaan doonaa naftaydaay
8
“ Ugu yaraan naftaada ula dhaqan sida wanaagsan ee aad dadka kale ula dhaqanto.
”
9
Naftaydaay gacalo:
Qalbigaaga si debecsan ula dhaqan, inta karaankaaga ah waad qabataa, xitaa marka aanad dedaal badan samaynin, naftaada cafi oo ha ku ad'adkaan. Ku jeclow naftaada xaalad kasta, waayo jacaylka oo qudha ayaa wax daweeya.
Si kasta waan kugu jeclahay naftaydaay.
10
“ Naftaydaay gacalo, si kasta oo ay xaaladuhu u adkaadaan, ha luminin dareenkaaga xasilloonida jacaylka iyo rajada ah.
” 11
Naftaydaay gacalo: Mararka qaar Ilaahay innama siiyo wax aynu weyddiisannay, si uu inoogu beddelo wax kale oo ka sii wanaagsan. Marar badan ma garan karno sababta ducooyinkeenna qaar loo aqbalo kuwo kalena loo aqbali waayo. Waxa qudha ee aan ogahay waa in Ilaahay uu ina jecel yahay, qaddarkeennana uu inoo jeexay isagu; marar badanna innaga oo aan xitaa fahansanayn sida ay wax u dhici doonaan waa in aynu ku kalsoonaannaa. Ku noolow noloshaada jacayl, oo ku kalsoonow Ilaahay si uu kuugu hanuuniyo waddada saxda ah.
Wanaag badan ayaan kuu rajaynayaa naftaydaay.
12
“ mararka qaar waaba adiga uun cidda qudha ee noloshaada caqabadda ku ahi.
” 13
Naftaydaay gacalo: Oggolow in aad isbiimayso, oggolow in aad halista u badheedho! Khaladaad waad samayn doontaa kollayba, oo taas la iskama ilaalin karo, laakiin khaladaadkaaga wax ka baro. Oggolow in aad noolaato, oggolow in aad xor noqoto, waxna ha uga walaacin ama ha iskaga deyn in aad keliya ka baqayso guuldarrada ama in qof kuu hanweynaa uu kugu hungoobo; qofka qudha ee ay tahay in aad farxad gelisaa waa isla naftaada, ee raadi farxaddaas, oo hel hadafkaaga nololeed, saaxiibbo fiicanna samayso inta aad ku jirto safarkaaga, saaxiibbo aad wax wada qaybsataan. Isjeclow, jeclow qofka aad tahay, dadka oo dhanna jeclow. Hel qofka aad rabto in aad noqoto, kuna dhegganoow waxyaabaha kaa farxiya, casharrada nolosha aad la kulantana tixgelin weyn sii.
Nasiib wanaagsan naftaydaay.
14
“ Naftaydaay gacalo, Waa in aad barataa sida naftaada loo jeclaado, ka hor inta aanad cid kale jeclaan.
” 15
Naftaydaay gacalo: In lagu diidaa waa wax xanuun badan, sidaas darteed dhib ma leh in aad xanuun dareento, aniguna marwalba garabkaaga ayaan ahay.
Xanuun kasta garabkaaga ayaan ahay naftaydaay.
16
“ Waad u qalantaa naftaydaay, ee noqo mucjiso mar-la-arag ah.
”
17
Naftaydaay gacalo: Dadka qaar uma soo galaan noloshaada in ay ku jeclaadaan, ee waxa ay ugu soo biiraan in ay kugu danaystaan! Kuuma arkaan qof ee waxa ay kuu arkaan fursad, sidaa darteed wax caawimo ah kuuma fidiyaan si kasta oo aad adigu u caawisid. Jooji in aad dhinaca aad ka xigto gufayso dad iyagu dhinacoodi kugu banneeyay! Waan ogahay in aad moodayso garab istaaggooda in aad u baahan tahay, laakiin dhab ahaan uma baahnid garab istaaggooda! Yaan caawimo la'aantoodu kaa dhigin mid ka aamin baxda dadka oo dhan. Ka agdhowow dadka doonaya in ay ku caawiyaan si aad u horumariso noloshaada, kana fogow kuwa kuugu soo dhowaanaya si ay kuugu hormarsadaan noloshooda! Waan ku fahmayaa, oo waxa aad odhan doontaa: yaa i caawin doona haddaa?! Dad badan ayaa diyaar u ah in ay ku garab istaagaan; sidaa darteed kuwa aan rabin in ay ku garab istaagaan yaanay kaa qarin kuwaas. Hadalkaygana aan caddeeyee: marna ha ka qoomayn in aad xidhiidhka u jartay qof isagu kellifay goynta xidhiidhkaas.
Jacaylkayga ayaa kula jira markasta naftaydaay.
18
“ Ha samaynin waxkasta oo aad hadhow ka qoomamayn doontid.
” 19
Naftaydaay gacalo: Xorriyaddu waa mid ka mid ah nimcooyinka quruxda badan ee uu Ilaahay innagu mannaystay; si kasta oo aynu isu diidsiinnana nolosha waxa aynu nahay kuwo xor ah. Xor ayaynu u nahay waxa aynu ka fekeraynno, xor ayaynu u nahay waxa aynu dareemaynno, xor ayaynu u nahay waxa aynu odhanaynno, sidoo kalena xor ayaynu u nahay waxa aynu samaynaynno. Waa run in mararka qaar ay nolosha innagu khasbi karto duruufo adag, sidaas oo ay tahayna xor ayaynu u nahay sida aynu uga falcelinaynno duruufahaas. Ha dafirin xornimadaada ee ku farax, qaddari oo maamuus, maalin kastana adeegso oo ka faa'idayso. Xasuusnow, xor in aad u tahay abuuridda qaab nololeedka aad weligaaba ku hammin jirtay, doorashadana adiga ayaa markasta leh; sidaas darteed ka buuxi noloshaada debecsanaan, wanaag, madaddaalo, farxad, xasillooni, dhoollacaddayn, jacayl iyo waxkasta oo wanaagsan. Waxa aan rajaynayaa in aad xornimo ku noolaato, si waayo aragnimo leh aad wax u doorato, si deeqsinnimo lehna aad wanaagyada ula qaybsatid dadka kale; wanaagyada ay noloshu kuugu deeqday. Waxa aan rajaynayaa in aad xorriyaddaada uga faa'idaysato in aad kaga dhigto noloshaada gaarka ah mid adiga iyo dunida kaleba idin anfacda.
Xaq ayaad u leedahay xornimada naftaydaay.
20
“ Waan ogahay culayskan oo dhan in uu yahay mid ku meel-gaadh ah.
”
21
Qalbigaygiyow gacalle: Raalligelin ha ka bixin in aad dareemayso dareen gaar ah ama aad dareemayso dareemo badan, xaq ayaad u leedahay in aad dareento waxkasta oo aad rabto!
Waan ku jeclahay marwalba.
22
“ Dhib maleh in aad keligaa noqotid xilliyada qaar, waayo kelinnimadu marar badan waxa ay ku siisaa awood iyo geesinnimo.
” 23
Naftaydaay gacalo: "Is heliddu" ma aha in aad si dhab ah isu raadisid oo aad isa soo heshid. Waayo ma tihid alaab yar oo meel lagu qariyay kadibna dib loo raadiyay, qof anbadayna ma tihid. Naftaada dhabta ahi waxa ay ku sugan tahay meeshaas ay ku kulmeen, qiyamka bulshada iyo dabarradoodu, aragtida dadka kale iyo ra'yigoodu, iyo natiijooyinka aan xaqiiqada ku fadhiyin ee aad qudhaada ka aamintay markii aad yarayd, imminkana aad u aragto shakhsiyaddaada dhabta ah. Is heliddu dhab ahaan waa dib ugu noqoshada naftaada; waa illawga wixii aad soo baratay oo dhan, iyo qodqodista gudahaaga, iyo dib-u-xasuusashada qofkii aad ahayd ka hor inta aan dunidu kuu talin!
Nasiib wanaagsan naftaydaay.
24
“ Cabsidu maaha in aanad doonaynin in aad waxsamayso, cabsidu waa in aad ogaato halistu in ay badan tahay, haddana aad og tahay waxa aad samaynaysaa in ayu qalmaan u badheedhidda halistaas.
” 25
Naftaydaay gacalo: Haddii aad arrin u samaynayso si ay dadku kuula dhacaan ama kuugu bogaan marka aad samayso kadib, uma samaynaysid sabab sax ah! Waxyaabaha aad samaynaysid adiga oo ka cabsanaya in dadka qaar kugu jeesjeesaan marka aad samaynayso waa waxa jaangooya himiladaada dhabta ah. Sidaas darteed, samee waxyaabaha ku cabsi geliya, si kasta oo aad uga baqaysid in dadku kula yaabaan, waayo in lagula yaabo" wax dhab ah maaha. Dadka aad ka baqayso in ay kula yaabaanna, iyagii ayaa baqaya, oo in ay tallaabo hore u qaadaan ka cabsanaya. In aad ka cagajiiddo samaynta waxyaabaha ku cabsi gelinayaa, waa wax aad dhab ahaan ka qoomamayn doonto.
Jacaylkayga ayaa kula jira naftaydaay.
26
“ Dib u qiimee naftaada markasta, sanad kasta, bil kasta iyo xitaa maalin kasta, si aad u hubiso in aad weli doonayso waxyaabihii aad aaminsanayd in aad u baahan tahay, iyo inaad hore u soconaysaba.
” 27
Naftaydaay gacalo: Maalin walba xasuusnow: Weli maad gaadhin meeshii aad u socotay, ee hubkaaga ha dhigin (ha is dhigan ); ku dabaaldeg guulahaaga yaryar horena u soco, waayo noloshu waa socdaal.
Garabkaaga ayaan ahay safarka oo dhan.
28
“ In aad farxad abuurato ka dhigo ujeeddo maalinle ah oo sii mudnaan joogto ah.
” 29
Naftaydaay gacalo: Weli waddada hortaydu way dheer tahay, laakiin waxa aan go'aansaday in aanan marnaba joojin socodka. Marwalba nolosha dhibaatooyin ayaa jiri doona, sidoo kalena marwalba laba albaab oo aad kala dooranayso ayaa jiri doona: in aad noolaato nolol aan farxad lahayn adiga oo tirinaya mashaakilkaaga ama in aad noolaato nolol farxadi ku dheehan tahay adiga oo tirinaya nimcooyinkaaga. Albaabkaas aad dooranayso ayaa go'aamin doona in aad farxad la duuli doonto iyo in aad xabsi murugo ah geli doonto.
Jacaylkayga adigaa iska leh naftaydaay.
30
“ Naftaydaay gacalo, maanta in aad daciif tahay, micnaheedu maaha maalin kasta in aad daciif ahaanayso.
” 31
Naftaydaay gacalo: Xirfadda ugu muhiimsani waa in aad hesho waddada saxda ah kadib marka ay soo oodmaan rajooyinka oo dhami; maadaama ay fududdahay in aad ku lunto mugdiga, iyo in aad noqoto mid niyadjabsan marka ay kuu rumoobi waayaan riyooyinkaagu, ama marka ay riyooyinkagu kuu hirgalaan laakiin aanay ku siinnin waxyaabihii aad ka rajaynaysay. Awoodda adiga oo isdhiibi gaadhay aad gogoshaada dusheeda ka ooyayso, adiga oo aan garanaynin wixii aad samayn lahayn, haddana aad kor u taagayso gacmahaaga adiga oo Ilaahay weydiisanaya in uu kuu ifiyo waddada hortaada ah, dhab ahaan waa xirfad weyn oo aanay dadku si weyn u qaddarin. Mararka qaar sida qudha ee aad hore ugu dhaqaaqi kartaa waa inaad qirato guulddarada; inaad aqbasho in aad tahay bina'aadan uun, oo aanad garanaynin inta badan waxyaabaha dhacaya, kadibna aad si weyn u ilmaysid ilaa aad dareentid fiicnaan ama aad heshid waddo cusub.
Marwalba waan ku jeclaanayaa naftaydaay.
32
“ Iska sii daa, wax ka qurux badan ayaa booskiisi kuu buuxin doona e!
”
33
Naftaydaay gacalo Fiiro gaar ah: Xasuusnow marka aad xal u weydo mushkilad gaar ah, sida ay u badan tahay ma aha mushkilad la xallin karo, ee waa xaqiiqo ay tahay in aad sideeda ku aqbasho!
Jaahwareer kasta garabkaaga ayaan ahay naftaydaay.
34
“ Naftaydaay gacalo: ha waayin dunwanaagsanaantaada si kasta oo ay duruufuhu kuugu adkaadaan.
” 35
Qofka aan noqon doono mustaqbalkoow: Waxkasta oo kugu soo dhacay waxa ay kugu hoggaamiyeen in aad timaaddo halkan. Waxba ha beddelin, waayo waxkasta waxa ay u dhaceen sidii loogu talagalay. Arrimaha oo dhan waa ay kala caddaadeen, wax walbaana waxa ay noqdeen kuwo muuqda. Wax qoran ayay ahayd in dadkaas oo dhan ay soo maraan noloshaada, dhammaan guulihii iyo guuldarrooyinkii ku soo marayna sidoo kale, xaaladihii jacaylka iyo waqtiyadii qalbijabkuna waxa ay ahaayeen wax ay ahayd in aad soo dhadhamiso. Wax mudan ayay ahaayeen in la soo tijaabiyo; ha ka qoomamayn. Weligaa wax aad ahayd ahaanna doontaa qofka aad hadda tahay, taas ayaana waxkasta ka muhiimsan.
Jacaylkayga iyo ixtiraamkayga ayaa kula jira naftaydaay.
36
“ Naftaydaay gacalo, ma jiro wax ka qurux badan oo ka iftiin badan qalbiga wanaagsan.
” 37
Naftaydaay gacalo: Waad ka qurux badan tahay sida aad isu malaynayso! Xoog ayaad ugu waalan tahay lebbiska quruxda iyo dhammaan waxyaabaha ay dumarku xiiseeyaan, laakiin waxa aad u oggolaataa waxyaabahaasi in ay maskaxdaada u qabsadaan si kabad badis ah oo ay ku wareeriyaan. Hal maalin iska tirtir dhammaan make-upka iyo waxyaabaha aad wejigaaga marisay, waxa aad arkaysaa in quruxdaadu ay ka soo burqanayso gudahaaga. Run ahaan, ma noqon doontid gabadha ugu quruxda badan, marwalba waxa jiri doonta cid kaa qurux badan, waayo quruxdu waa arrin qof iyo qiimayntii ah, dadkuna marnaba iskuma waafaqaan waxa ay quruxdu tahay, laakiin dadka oo dhami waxa ay jecel yihiin ruuxda quruxda badan, adiguna qaalidaydiyeey waxa aad leedahay ruux qurux badan, ee ha ka ogolaan mugdiga dunidan aynu ku noolnahay in uu ku hadheeyo noloshaadana uu ka dhigo mid qadhaadh.
Daacad baan kuu ahay naftaydaay.
38
“ Haddii aad raadinayso qofkii noloshaada beddeli lahaa, eeg muraayadda hortaada!
” 39
Naftaydaay gacalo: Arrinta oo dhan waxa ay ka bilaabantaa hal go'aan; go'aan ah in aad joojiso waxaas; go'aan ah in aad hore u socoto; go'aan ah in aad noqoto qof geesi ah si kasta oo aad u cabsanayso; go'aan ah in aad qubto oo ka gudubto wixii hore oo dhan. Intaas kadib ayay tallaabada labaad noqonaysaa in aad go'aankaas ku taagnaato. Labadaas arrina in aad go'aan gaadhid iyo in aad ku taagnaatid cidina kaama furan karto; waa hawl adiga kuu taalla!
Jacaylkayga ayaad xaq u heshay naftaydaay.
40
“ Ku farax in aad nooshahay oo neefsanayso; in aad maalin kale soo toosto adiga oo nool waa wax weyn, yaanay kula sahlanaanin.
” 41
Naftaydaay gacalo: Waa wax fican in aad noqoto qof xidig ah oo ay dadku la wada ashqaraaraan, laakiin waxa marar badan ka xasillooni badan in aanad ahayn qof deyn lagu leeyahay, xoogaa lacag ahi ay bangiga kuugu jirto, oo aad ku nooshahay xaalad ammaan ah oo aanad ka werweraynin dhaqaale xumo iyo in aad wax weydo. Mararka qaar waxa muhiim ah keliya in aad caafimaad qabto, dharkaaga aad maydhato, cunto hagaagsan aad cunto, si wanaagsan aad u qubaysato, meesha aad deggan tahayna aad iska nadiifiso, halkii aad hami weyn oo nolosha ah xaqiijin lahayn.
Daacad baan kuu ahay naftaydaay.
42
“ Naftaydaay gacalo, dadka badankoodu ma bogsadaan maadaama ay xasuusihii hore maskaxdooda ku soo celcelinayaan, ee ka gudub arrinta ku dhibaysa.
” 43
Naftaydaay gacalo: Khasab maaha qof kasta oo aad la kulanto noloshu in uu garabkaaga joogo inta ka dhiman noloshaada; dad ayaa ka tegi doona, adiguna sidaa si la mid ah dad ayaad ka tegi doontaa. Dad badan ayaad ku hungoobi doontaa, waxa qudha ee aad samayn kartaana waa in aad ka faa'idaysato casharradii ay ku bareen; sidaa darteed u mahad celi dadka joogay ee aan kaa dheeraan, sidoo kalena buuxi booska kuwa ka baxay noloshaada. Ta ugu muhiimsanina waa in aad si laabxaadhnaan ah uga gudubto dadka iyo waxyaabaha aanay qornayn in ay noloshaada ku sii jiraan, oo aad u aqbasho waaqica sida uu yahay.
Wax badan oo wanaagsan ayaan kuu rajaynayaa naftaydaay.
44
“ Markasta oo uu safarka figta sare sii adkaado, ha illaawin in aad naftaada ku faanto.
” 45
Naftaydaay gacalo: Markasta ha ka werwerin qofka daacadda ah kuu ah iyo cidda aad ku kalsoonaan karto. Ha dhowaato ama ha dheeraato e dadku way muujin doonaan wejigooda dhabta ah, marka aad aragto wax arrintaas kuu caddaynayana markiiba aqoonso oo dadka ku kala qiimee. Ku kalsoonow dareenka gudaha ee kuu sheegaya shakhsiyadda dhabta ah ee dadka, iyo dareenka ay ku dareensiinayaan. Marka horaba waad garanaysaa cidda ay tahay in aad noloshaada boos ka siiso iyo cidda ay tahay in aad bannaanka uga saarto.
Nasiib wanaagsan naftaydaay.
46
0 Comments